GUDAHA/wararka

MW JFS, Xasan Sheekh “Daacish & AS Dalkeenna way burburiyeen, waxa ay u horseedeen faragelin Shisheeye”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ‘AS’ iyo Daacish ku eedeeyay in ay hortaagan yihiin midnimada Dadka Soomaaliyeed isla markaana ay sabab u yihiin in faragelin dibadda ah dalka uu la kulmo.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in Somaaliya muddo ay la tacaalayso kasoo kabashada dhibaatooyinkii sokeeye iyo kuwa uu ugu yeeray in ay yihiin “Argagixiso” dad badan oo Soomaaliyeedna ay u dhinteen una dhaawacmeen.

‘AS’ & Daacish ayuu ku tilmaamay in ay yihiin kooxo khatar badan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu xusay in ay xoogga saartay in dagaal wadajir ah lagu qaado si looga hortago ‘Halista ay dalka ku yihiin’ sida uu hadalka u dhigay.

“Maanta, Soomaaliya waxay la tacaalaysaa laba ka mid ah kooxaha argagixiso ee ugu adag uguna khatarta badan, kuwaas oo ah Daacish (ISIS) iyo Al-Shabaab, oo mabda’ ahaan la xiriirta Al-Qaacidda. Waxa aan la dagaallamaynaa ku dhowaad labaatan sano” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa intaas ku daray in marweliba Daacish & ‘AS’ adeegsanayaan wax weliba oo ay u arkaan in ay kusoo jiidan karaan dareenka Shacabka Soomaaliyeed, balse Dowladda Federaalka ay dhinac weliba kala dagaalantay.

“Wax kasta oo ay sheegayaan hadday iyaga ka yimaadeen ama Al-Qaacidda ugu dambayn waxa ay isku dayayaan in ay soo jiitaan dareenka Shacabka Soomaaliyeed iyaga oo adeegsanaya waxa la yiraahdo Soomaalinimo, Maxay u sheeganayaan in ay Israel ka difaacayaan Soomaaliya iyaga oo haddana burburinaya dalka, Nolosha Shacabka Soomaaliyeed, Amnigooda & Nolol maalmeedkooda? Ayuu hadalkiisa sii raaciyay MW Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in haddii ay ka go’an tahay difaaca iyo diir nixidda Shacabka Soomaaliyeed in dhabbaha u furan uu yahay albaabka Nabadda iyaga oo marka hore joojinaya dhibaatooyinka ay u gaysanayaan Dalka & Dadka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii ay dhab ka yihiin, ha qaataan nabadda, ha joojiyaan argagixisada, ha la heshiiyaan Shacabka Soomaaliyeed, hana kamid noqdaan Soomaaliya. Ha ka tanaasulaan ku xirnaanshaha Al-Qaacidda, kuna biiraan siyaasadda guud ee Soomaaliya iyo hab-nololeedka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya, Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in hadallada kasoo yeeray Daacish & ‘AS’ inay yihiin kuwo ay fahamsan yihiin Dadka Soomaaliyeed oo ka caqli badan in ay ka tahay qiiro aan dhab ahayn oo ay ku doonayaan dareenkooda.

“Shacabka Soomaaliyeed waa kuwo caqli badan oo fahmaya in ay tani tahay oohin been ah sial markaana aysan waxba u tarayn Sooamaliya, dhab ahaantii Kooxaha Argagixisada ayaa fududeeyay in ay Israa’iil Dalka ay soo farageliso, sababtu waxa ay ka shaqaynayaan in Soomaaliya ay ahaato mid liidato oo aan awood lahayn” ayuu yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkaan waxa uu ku sheegay Waraysi uu siiyay Teleefishinka Aljazeera, waxaana uu uga hadlay dhowr qodob sida faragelinta Israa’iil ee Soomaaliya, Dalalka garab istaagay Dowladda Federaalka, la dagaalanka Daacish & AS, Hoggaaminta Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo kuwo kale.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

12 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

14 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

16 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

19 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

19 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

21 hours ago