GUDAHA/wararka

Ciyaaryahan Mesut Özil “Kama aamusayno Falastiin mana iloobayno”

Ciyaaryahanka lagu magacaabo Mesut Özil ayaa ka falceliyay dhibaatooyinka lagu hayo Shacabka Falastiin, waxa uu sheegay in dadka u dhashay Turkiga oo asal ahaan uu kasoo jeedo ciyaaryahankaan ay garab taagan yihiin.

Özil ayaa tilmaamay in la dhibaateeyay Shacabka Falastiin una baahan yihiin aan laga aamusin oo Af iyo addin lagu difaaco, qadiyaddaan ayuu tilmaamay in ay uga dhigan tahay mid nafsaddiisa ku xiran oo dhiiggiisa la shaqeyneysa.

“Waxa aan nahay idinka oo ah reer Falastiin, waan idin garb taaganahay, kama aamusi karno dhibkiinna, mana idin hilmaami doonno, ma nihin Dad caraysan balse xaqiiqada ah ayaa in aan ka dhiidhinayso dhibaatada walaalaha Falastiin” Ayuu yiri, Ciyaaryahan Mesut Özil.

Waxa uu difaacay sababta uu had iyo jeer u dhinac taagan tahay Falastiin isaga oo aan ku lug lahayn Siyaasadda balse uu yahay Ciyaaryahan heer caalami ah una soo saftay dalkiisa labaad ee Jarmalka inkasta oo uu ka fadhiistay haatan.

Mesut Özil ayaa arrintaas dhinac dhigay sida haddii lagu xadgudbi lahaa qof Jarmal ah ay u kici lahaayeen dhammaadka dadka kale oo kale in uu sidaas oo kale u garab taagan tahay Walaalaha Falastiin oo dhibaatada lagu hayo lagu daawanayo.

“In Carruurta la dilo, Meel weliba la beegsado, Shacabka la cunaqabateeyo oo laga jaro cunno, biyo & agabka Caafimaadka halkee ayay uga jirtaa bani aadamnimada, waxa ka jira Dhulka Falastiin waa wax aan laga aamusi karin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mesut Özil.

Ciyaartoy badan ayaa ka dhiidhiyay dhibaatooyinka lagu hayo Shacabka Falastiin, waxa ay sheegeen in ka hadalka dhibaatooyinkaas aan ka dhigteen in ay fureen bog siyaasadeed oo aan looga baran in cayaaraha la dhexgeliyo Siyaasadda.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

1 hour ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

2 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

2 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

16 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

18 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

21 hours ago