GUDAHA/wararka

Faragelinta Israa’iil ay ku samaysay Soomaaliya oo burburisay Danihii Imaaraatka ee Dalal badan

Hadalkii faragelina ahaa ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku sheegay in uu aqoonsaday Somaliland Jimcihii hore ayaa sababay in uu isbaddel degdeg ah ku yimaado danaha Imaaraatka Carabta ee Dalal badan uu ka lahaa.

Meeshii ugu horreysay ee jabka uu kala kulmay Imaaraatka waa Dalka Carbeed ee Yemen oo fahamtay in uu ka shaqayno in qayb kamid ah dalkeeda ay aqoonsanayso Israa’iil, waxaana Xukuumadda Abu dhabi loo qabtay in uu uga baxo 24 saac waana fuliyay amarkaas.

Dhaqdhaqaaqa uu ku leeyahay Dalalka Suudaan, Liibiya iyo kuwo kale oo Carbeed ayaa hoos loo dhigay si aanay markale loo eryin Dalkaan oo sanadihii u danbeeyay ciidamo, Hub iyo lacag xad-dhaaf ah ku gurayay dalal dhowr ah.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in arrintaas ay xitaa abuurtay khilaaf gudaha Xubnaha isutagay ee ku midoobay Magaca Imaaraatka Carabta, waxa ay qaarkood ka caroodeen sababta loo helay sira qarsoon ee muddo ku dhaqaale beelayeen.

Sacuudiga oo muddo si dhow ula socday qorshaha uu maleegayo Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa adeegsaday qorshooyin culus oo intooda badan u dhaqangelay waxaana kamid ah in uu beegsaday kooxihii Yemen lagu uruurinayay iyo kacdoonka gudaha dalkaas uu kusii xoojiyay.

Imaaraatka ayaa tuke cambaar leh ka noqday Waddamada Carabta, waxa uu dib u garanayaa agabkii iyo qorshihiisa fashilmay ee uu doonayay in kala qaybiyo dalalka rabshadaha ka socdaan isaga oo isaga dhigaya in uu abaal u galayo.

Muwaadiniinta Imaaraatka qaarkood ayaa billaabay in ay adeegsadaan Baasaboorro dalal kala duwan si ay uga waji gambadaan xaaladaha adag ay wajahayaan sida ay ku warrameen ilo kala duwan, waxaana yaraaday dhaqdhaqaaqa dadka danaha ay ka leedahay ay dalkeeda ku tagayeen.

Imaaraatka waxaa loo arkaa in uu barkulan u yahay Israa’iil iyo xubnaha ay doonayso in ay ka goyso Dalalkooda, safarrada qarsoon ee xubnahaas ayaa kordhay muddooyinkii danbe inkasta oo haatan uu jiro baraarug sababay in indhaha lagu hayo dhaqdhaqaaqaas.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

1 hour ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

1 hour ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

3 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

3 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

4 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

18 hours ago