MW Farmaajo:Sugidda nabadgalyada waa masuuliyad saaran ciidamada iyo hay’adaha amniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay weerarkii qaraxyada ahaa ee maanta lagu qaaday Xarunta Wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay dadkii ku naf waayay weerarkii Al shabaab maanta ku qaadeen dhismaha Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku geenka wasaaradaasi.

“Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto dhammaan dadkii ku shahiiday falalkii waxshinimada ahaa ee maanta dhacay oo uu kamid ahaa Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirku waxa uu ahaa nin afgaaban, edeb badan, waddani ah, dalka iyo dadkana ugu adeegay si daacadnimo iyo hufnaan ay ka muuqato.

Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago in shacab iyo ciidanba loo midoobo kooxaha argagixisada ah ee maalin walba doonaya in ay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed, burburiyaan hantidooda, barakiciyaana birimageydada si aysan u hana qaadin dowladnimadeeda” ayaa lagu yiri qoraala la soo dhigay barta Facebook ee Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo mar uu ka hadlay Amniga iyo iyo Cida Masuuliyadu ka saarantahey ayaa yiri “Sugidda nabadgalyada waa masuuliyad saaran ciidamada iyo hay’adaha amniga, waana in ay dardargeliyaan hawlaha loo igmaday si looga hortago dhagarta ay kooxaha argagixisada ahi la maagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, shacabkuna waa in ay gacan ka geystaan sugidda nabadgelyada”.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mursal sheikh Cabdiraan ayaa asna ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho, waxa uun caafmaad u rajeeyay intii ku dhaawacantay.

 

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

11 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

14 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

16 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

16 hours ago