Wasiirka horumarinta beeraha wadanka Panama oo dhacda waqooyiga Ameerika, Augusto Valderrama ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku beeniyay in moos laga qaaday Soomaaliya dalkiisa la galiyay, kadib macluumaad lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in Moos laga qaaday geeska Afrika lagu iibinayay dalkiisa.
Valderrama ayaa qoraalkiisa ku xaqiijiyay in Panama aan loo fasaxin soo dejinta badeecadaha laga qaado Soomaaliya balse dadka wararkaasi faafinaya ay u jeedadoodu tahay in la waxyeeleeyo wax soo saarka dalkiisa.
“Waxaan shacabka u cadeyneynaa in gabi ahaan ay been abuur tahay in Panama ay muus ka keensato Soomaaliya. Dalka looma ogola in la soo dejiyo” ayuu Twitter-kiisa ku daabacay Wasiirka horumarinta beeraha wadanka.
Hadalka wasiirka ayaa waxaa taageeray wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta beeraha Panama, Carlos Rognoni, oo dadka ka codsaday inaysan qaadan wararka been abuurka ah.
“Ha ku qaldamin war been abuur ah! Waxaa gabi ahaanba been ah in Panama ay muus ka keensatay Soomaaliya. Dalkeena looma ogola in laga soo dejiyo. warar ku dhex wareegaya baraha bulshada ayaa ujeedada laga leeyahay ay tahay in dhibaato loo geysto wax soo saarkeena”. ayuu ku yiri qoraalkiisa wasiir ku xigeenka beeraha wadanka Panama.
“Panama waxay ilaalisaa kontaroolada iyo jidadka waawayn taas oo ka hortagaysa nuuc kastoo badeeco ah in ay soo gasho Panama” ayuu hadalkiisa raaciyay wasiir ku xigeenka.
Baraha bulshada gaar dalka Panama, ayaa waxaa qabsaday warar sheegaya in qaar ka mid ah ganacsatada waawayn ee dalkaasi iyo xubno xilal sare ka haya dowladda ay si sharci daro ah dalkaas ku galiyeen moos ay ka qaadeen Soomaaliya.
Panama waa waddan ku yaala jasiiradda isku xirta Bartamaha iyo Koonfurta Ameerika. Waxa uuna caan ku yahay Kanaalka Panama oo isku xira badweynta Atlaantigga iyo Baasifigga si loo abuuro marin maraakiibta muhiimka ah.
Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…