Hoggaamiyaha sare ee Taalibaan ayaa ka digay halista wax uu ugu yeeray “daba-dhilifyada iyo jaajuusiinta ku dhex jira” kooxdaas dhowaan qabsatay dalka Afghanistan.
Ayada oo ay caddeyn u tahay heerka ay gaarsiisan tahay halistan, ayaa Haibatullah Akhundzada waxa uu soo saaray bayaan nadir ah, wuxuuna taliyayaasha Taalibaan amar ku siiyey in ay sifeeyaan talisyadooda.
Waxa uu yiri “dhammaan odayaasha kooxda waa in ay eegaan talisyadooda oo ay arkaan haddii ay jiraan kuwa aan la garaneyn oo ka shaqeynaya wax ka dhan ah rabitaanka dowladda, kadibna sida ugu dhaqsaha badan lagu cirib-tiraa.”
“Khalad kasta oo dhacaa, odayaasha ayaa mas’uul ka ah cawaaqibkiisa dunida iyo aakhiraba,” ayuu ka digay Haibatullah Akhundzada oo qoraalkiisa lasoo dhigay cinwaano dhowr ah oo Taaliibaan ay ku leedahay twitter.
Taalibaan ayaa tan iyo markii ay dalka dib u qabsatay bishii August, waxay kooxda kusoo dartay xubno dhowr ah oo isugu jiray mucaarad iyo dowladdii hore.
Waxay hadda wajaheysaa weeraro dhowr ah oo kaga imanaya kooxda Daacish ee Khorosan.
Talaadadii, ugu yaraan 19 qof oo uu ku jira taliye ka tirsanaa Taalibaan ayaa lagu dilay weerar isugu jiray qarax iyo rasaas, oo ay sheegatay Daacish, kaasi oo ka dhacay isbital militari oo ku yaalla Kabul.
Taalibaan ayaa rumeysan inay jiraan shaqsiyaad ku dhex jira kooxda oo ka shaqeynaya wax ka dhan rabitaankeeda.
Dhinaca kale Haibatullah Akhundzada ayaa ku amray taliyayaasha kooxda inay hagaajiyaan dhaqanka askartooda kadib markii toddobaadkii tegay xubno sheegtay inay yihiin Taalibaan ay weerareen xaflad aroos ayaga oo diidan music laga shiday, halkaasi oo dhowr qof lagu dilay.
“Taliyayaasha cutubyada waa inay qaataan waqtigooda oo ay la fariistaan dagaal-yahanada cusub, kana shaqeeyaan hagaajinta dhaqankooda iyo dabeecadahooda, si mujaahidiinta ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan taliyahooda,” ayuu yiri.
AFP & VOA
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…