GUDAHA/wararka

Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh  ka yiri go’aanka Midowga Yurub ay dal ku galkooda ugu diideen in ay saaraan Baasaboorka Soomaaliya?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahiyay sababta keentay in ay is qabtaan Ururka Midowga Yurub oo xayiraad dhinaca Dal ku galka ah kusoo rogay Baasaboorka Dalka.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saaray in Dowladda Federaalka ay diido in dib loogu soo celiyo Dadka Soomaaliyeed ee Dalalka Yurub ku sugan ee aanay haysan sharciga balse Dowladdu ay dalbatay in la xaqiijiyo maadaama ajaanib badan ay Soomaali sheegato marka ay dalalkaas galayaan.

Waxa uu bannaanka soo dhigay dhacdooyin arrintaas la xiriira oo horay u dhacay sida Dad la keenay Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo markii la baaray la ogaaday in aysan Soomaali ahayn oo xitaa aysan garayan Afka Hooyo.

“Ma diidin Dadkeenna oo Dalkaan ayay leeyihiin, waxa aan su’aalo ka qabnaa sida dadkaas loosoo celinayo, qof weliba oo midabkeenna leh ayaa Soomaalinimo isu dhiibay si aan dib loogu celin Dalalkooda, waxa aan waaya arag u ahayn Dad la dhashay waa Soomaali oo inta markii la keenay xitaa aan Afka Soomaaliga ku hadli Karin, waxa aan isku haysaa sida loo keenayo dadkaas & hubintooda” Sidaasi waxaa yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Midowga Yurub ayaa sheegay in xayiraad uu saaray baasaboorka Soomaaliya oo aanay ku dhufan doonnin Dal ku galka Dalalka ku midaysan ururkaas sababo uu ku sheegay in Dowladda Federaalka ay diiday inay ka qaabisho Dad aan sharci ka haysan dhankooda oo dib loogu celinayo Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Hoggaanka cusub ee Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug,…

4 hours ago

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay Hoggaamiyaha Galmudug

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta Liibaan Axmed Xasan u doortay hoggaamiyaha maamulka…

6 hours ago

Soomaaliya iyo Turkiga ka wada hadlay horumarinta Kalluumeysiga

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan ayaa maanta kulan gaar…

9 hours ago

Qatar iyo Faransiiska oo ku baaqay in la furo marin-biyoodka Hormus

Dowladaha Qadar iyo Faransiiska ayaa ku baaqay in dib loo furo Marinka-biyoodka Hormus, iyagoo ka…

9 hours ago

Doorashada Hoggaamiyaha iyo ku xigeenka Galmudug oo maanta qabsoomeysa

Golaha Wakiilada ee dowlad goboleedka Galmudug oo ka kooban 89 xubnood ayaa maanta dooranaya Hoggaamiyaha…

12 hours ago

Wasaaradda Caddaaladda XFS oo soo saartay habraac la xiriira Guurka

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu…

24 hours ago