GUDAHA/wararka

Muxuu daaran yahay Safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ee Isutagga Imaaraatka Carabta?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Turkiga, Hakan Fidan ayaa maanta billaabaya safar uu ku tagayo Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta si uu ula kulmo Madaxda Dalkaas oo dhexda ka galay Mowjado Siyaasadeed oo dhinacyo kala duwan uga yimid.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu xaqiijiyay safarka Wasiir Hakan Fidan, mana la raacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta safarkiisa kusoo beegmay waqtigaan Xasaasiga ah.

Ilo kala duwan ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay Isutagga Imaaraatka Carabta kala hadlayo xoojinta Iskaashiga gaarka ah ee labadaan Dal iyo in xal siyaasadeed la raadiyo si loo dejiyo xaaladaha culus ee Abu Dhabi wajahayso.

Meelo kala duwan oo Soomaaliya ay kamid tahay ayaa kulankaan Indhaha lagu hayaa maadaama Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Turkiga uu yahay mid wanaagsan isla markaana maalin kahor Xukuumadda Dan-Qaran ay baabi’isay heshiisyadii ay kula jirtay Imaaraatka.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

11 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

14 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

16 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

19 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

19 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

21 hours ago