Boqolaal kun oo ruux ayaa isaga barakacay deegaanno katirsan Ismaamulka Mandheera kaddib markii saamayn taban ay ku reebtay abaarta ka jirta qaybo kamid ah Ismaamulkaas, waxa ay dadkaan u badan yihiin xoolo dhaqato.
Saddexdii xilli ee lasoo dhaafay ayay dul joogtay Abaarta sida ay ku warrameen qaarkood oo la hadlay Koox Suxufiyiin ah oo ugu tagay deegaannada ay u barakaceen Dadkaan oo aanay uga horrayn Cunno iyo biyo ay naftooda ku badbaadistaan.
Waxa ay dalbadeen kaalmo degdeg ah in lala gaaro, waxa ay wateen xoolo kooban oo ah intii ugu badbaaday abaarta, uma hayaan wax ay siiyaan, haddii aysan helin daaq iyo biyo ku filan iyanna waxa ay mari doonnaan waddadii ay mareen xoolihii ka dhintay.
Cismaan Aadan oo katirsan Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegay in dadkaan ay u baahan yihiin Kaalmo degdeg ah maadaama ay saamayn taban ku reebtay Abaarta darran ee deegaannadooda ka jirta sida uu hadalka u dhigay.
Biyo dhaamin kooban ayaa laga sameeyay Deegaannada qaar balse ma ahan mid dabooli karta baahida jirta sida ay ku warrameen ilo kala duwan, qaylo dhaantu waxa ay gaartay Dowladda Kenya oo aanay weli jawaab dhammaystiran ka bixin.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…