GUDAHA/wararka

Muwaaddin Somali ah oo lagu dilay Koofur Afrika

Wararka naga soo gaaraya Dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay Muwaaddin Soomaaliyeed.

Dilka Muwaaddinka Soomaaliyeed ayaa ka dhacay Xaafadda Zola oo ka tirsan Strand – Cape Town.

Macalin Cabdulaahi Cali Ciise, ayaa ku dhintay weerar Burcad Madow ah ay ku qaadeen Dukaankiisa waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Muwaaddin kale.

Burcadda madowga ah ee weerarka geystay ayaa sidoo kale qaatay badeecadii taallay dukaanka,waxaana kaddib halkaas tagay Ciidanka Booliska Koofur Afrika.

Dilka Muwaaddinkan iyo dhaawac kan kale ayaa ku soo aaday iyada oo xalay Muwaaddin kale oo lagu magacaabo Mahad Qooreey  lagu dhaawacay dalka Koofur Afrika.

Mahad Qooreey,waxaa uu ka mid yahay Wadayaasha Tagaasida Uber ee ka howlgala Dalka Koofur Afrika.

Web master

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

11 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

13 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

16 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

18 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

19 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

20 hours ago