Qaar ka mid ah Taliyayaasha Booliska Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu sameeyay xilka qaadis halka kuwo kale la magacaabay.
Taliyeyaasha xilka laga qaaday ayaa waxa ay ku kala sugnaayeen Degmooyinka Yaaqshiid, Dharkiinley, Hawlwadaag iyo Heliwaa oo taliyeyaal cusub oo Boolis ah loo magacaabay.
Sidoo kale waxaa xilalkii laga qaaday Taliyihii qaybta Galbeed ee Booliska Qaasim Axmed Rooble, waxaana xilkaasi loo dhiibay Sarkaal lagu magacaabo Xundubey oo ahaa Ku xigeenka Qaasim Axmed Rooble.
Taliyihii Saldhiga Degmada Heliwaa Khaliif Ilka case oo xilkaasi laga qaaday ayaa loo dalacsiiyay inuu noqdo Taliye qayb ka tirsan Ciidamada Booliska.
Isbedelkaan oo uu sameeyay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo Jimcihii la soo dhaafay ay Qaraxyo ka dhacay Muqdisho ku dhinteen dad kor u dhaafay 50 Qof.
Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…
Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…
Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…