GUDAHA/wararka

Muqdisho oo lagu qabtay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul-Insaanka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul-Insaanka oo loo gaar yeelay 10ka December, waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo Dowladda Federaalka Soomaaliya katirsan.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka, Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa furitaanka munaasabadda ka sheegay in maalintaan ay muhiim u tahay Dalka isaga oo xusay in Soomaaliya ay dib ula soo laabatay xuquuqul-insaanka 30 sano kaddib.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka, Xasan Macallin, Marti ka kala socotay Dalalka taageera Dowladda Soomaaliya, Culimo, Bulshada Rayidka ah iyo mas’uuliyiin kale ayaa shirkaan ka qaybgashay.

Saddex qodob oo guullo ka gaartay Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulanka inta uu socday lagu soo bandhigay, waxaana ay kala yihiin:

Dib-u-soo celinta waajibaadka Xuquuqul Insaanka ee dalka ka dib ku dhawaad 30 sano.

Meel-marinta sharciyo muhiim u ah horumarinta iyo difaaca Xuquuqul Insaanka.

Dhismaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Munaasabaddan ayaa sidoo kale ku astaysan 77 sano guuradii tan iyo markii la aqoonsaday Maalinta Xuquuqul Insaanka sanadkii 1948-dii, Soomaaliya waxa ay ka mid tahay 199 dal ee maanta u dabaal degaya xuska maalintaan caalamiga ah.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

2 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

5 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

7 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

8 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

9 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

9 hours ago