Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay danjiraha Ruushka Mudane Makhail Golovanov.
Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka sida amniga iyo horumarada laga sameeyay dowlad-dhiska, baahinta adeegyada dowladda iyo kaalinta sii kordhaysa ee dowladda Soomaaliya.
Waxa sidoo kale kulanka looga hadlay xiriirka diblumaasiyadeed iyo kan iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal.
Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dadka ay abaaraha saameeyeen, iyo jawaabaha ugu habboon ee laga bixin karo.
Safiirka Ruushka, Makhail Golovanov ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan xiriirka labada dal ee dhinacyada amniga dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…