GUDAHA/wararka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo saxiixay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa saxiixay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaddib ansixintii labada Aqal ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadani ay muujinayso go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan dhowrista xuquuqda muwaadiniinta, isagoo ammaanay iskaashiga Baarlamaanka iyo Xukuumadda ee dejinta sharcigan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa bogaadiyey Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dadaalka ay ku diyaarisay hannaanka sharci iyo farsamo ee suurta geliyay guddi awood u leh gudashada waajibaadkiisa qaran.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey fududeynta howsha Guddiga, isaga oo xusay muhiimadda ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta dowladnimo ku dhisan caddaalad iyo isla xisaabtan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

4 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

7 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

9 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

10 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

11 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

11 hours ago