Mucaaridka Soomaaliya oo shir weyne ku qabanaya Muqdisho.

Xisbiyada iyo shaqsiyaadka Mucaaridka ah ee ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay shir weyne ay ku qabanayaan magaalada Muqdisho.

Xisbiyada iyo Siyaasiyiinta ay shalay ku yeesheen Magaalada Nairobi ayaa sheegay in shirkaasi weyn uu Magaalada Muqdisho ka dhacaya bisha june ee soo socota.

Waxaa ay xubnaha Mucaaridka ah sheegeen in ujeedada shirkaasi ay tahay in la beddelo dowladda hadda jirta oo ay sheegeen in ay ku fashilantay amniga dalka.

Waxaa  ay sidoo kale sheegeen in loo baahanyahay in la kala diro XUkuumadda Ra’isalwasaareh Xasan Cali Kheyre laguna beddelo qof hanan kara amniga dalka sida ay hadalka u dhigeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda ku baaqday in ay diyaar u tahay in ay la fariisato dhinacyada ka aragtida duwan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda ka shaqeyneyso isu keenidda Umadda Soomaaliyeed.

Web master

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

1 hour ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

2 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

2 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

16 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

18 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

21 hours ago