Dalka Guinea-Bissau ayaa wajahaysa qalalaase siyaasadeed kadib markii koox saraakiil ciidan ah ay ku dhawaaqeen in ay si buuxda ula wareegeen awoodda dalka, maalmo kadib markii dalkaasi ay ka qabsoontay doorasho madaxtinimo oo muran badan dhalisay.
Saraakiisha ayaa telefishanka Qaranka ka akhriyay bayaan ay ku sheegeen in ay baabi’yeen natiijada doorashada, isla markaasna ilaa amar dambe la xiray dhammaan xuduudaha dhulka, cirka iyo badda, ayna soo rogeen bandow.
Militeriga ayaa xoog kula wareegay xarunta guddiga doorashada, madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku yaalla caasimadda Bissau.
Waxaa la filayay in natiijooyinka doorashada ay ku loolameen Madaxweyne Umaro Sissoco Embalo iyo musharraxa mucaaradka Fernando Dias lagu dhawaaqo maalinta Khamiista.
Madaxweyne Embalo ayaa u sheegay France24 in laga tuuray xilka, isla markaana uu ku sugan yahay xarunta taliska guud ee ciidanka.
Sidoo kale, warar saacadihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa sheegayay in la xiray Madaxweyanaha.
Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan ka soco
Mustaqbal
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…