Militariga Suudaan ayaa sheegay in dagaallada ka dhacay Magaalada Khartuum xarunta Dalkaas ay ka gaareen guullo muhiim ah isla markaana Kooxda Gurmadka Degdega ah ee RSF loosoo gaabiyo ay ka qabsadeen goobtii ugu dambeysay oo ay joogeen.
Afhayeenka Militariga Suudaan, Sarreeye Guuto Nabiil Cabdullaahi Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay in ay gacanta ku hayaan Taiba Al Xasanab oo katirsan deegaanka Jabal Awliya sida uu hadalka u dhigay.
Howlgalka socda ayuu ku tilmaamay in uu yahay mid loogu magac daray ‘Sifeynta Kooxda RSF’ waxaana uu ku faanay in guullo muhiim ah laga gaaray marka la eego maalmihii lasoo dhaafay goobaha gacantooda soo galay sida uu yiri.
Madaxtooyada Khartuum ayaa dhowaan gacanta dib ugu gashay Ciidamada Militariga ah ee sanado kahor afgambiyay madaxweynihii muddada dheer maamulayay waa Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir oo haatan u xiran.
Kooxda RSF ayaa ku jabtay dagaalka, waxaa soo baxaya warar sheegaya in hoggaanka kooxdaas iyo Dalalkii garabka siinayay sida Isutagga Imaaraatka Carabta madmadow soo kala dhexgalay isla markaana arrintaasi saamayn taban ku reebtay.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…