Magaalada Masaajid Cali Gaduud Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa saakay weerar ku qaaday ‘AS’ waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac ilaa haatan tiro rasmi ah laga hayn.
Gudoomiyaha Masaajid Cali Gaduud Saalax Cumar Xaayoow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhimasho iyo dhaawac badan la gaarsiiyay ‘AS’ halka dhankooda ay ka dhaawacmeen 4 askari sida uu hadalka u dhigay.
Dagaalka ayaa xooggiisa ka billowday dhowr waddo oo Magaalada Masaajid Cali Gaduud gala, Ciidamada Dowladda Federaalka ee halkaas joogay ayaa dib uga baxay qaybo kamid ah magaaladaas sida uu xaqiijiyay Guddoomiye Saalax Cumar Xaayoow.
Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah ‘AS’ waxaana ku sugan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay dib ugu laabtay kaddib maalmo kooban oo Muqdisho u joogay la kulanka Guddoomiyaha Midowga Afrika.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…