GUDAHA/wararka

Duqa Muqdisho Maxamed Amiir, maxaa u qabsoomay 100ka maalmood uu joogo?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa dhammeystay 100kii maalin ugu horreysay, waxa aan maqaalkaan dib ugu eegeynaa waxyaabaha u qabsoomay, waxa ka fulay ballanqaadkiisii iyo caqabadaha weli ka jira Caasimadda.

Duqa Muqdisho waxa uu dhowr jeer ballanqaaday in uu ka shaqeynayo saxmadda ama cariiriga ka jira waddooyinka Magaalada Muqdisho, Nadaafadda, hirgelinta Ilayska Cadceedda ku shaqeeya, Nalalka Samaanfaraha ee Gaadiidka kala haga, in uu ugu dambeynayo mas’uul Gobolka Banaadir loo magacaabo oo wixii hadda ka dambeeya la dooran doonno & kuwo kale.

Maxamed Amiir ayaa weli si buuxda wax ugama qaban nadaafadda Waddooyinka iyo Xaafadaha Magaalada Muqdisho, qashinka iyo waxyaabaha kale ee muujinaya nadaafad darrada ayaa ku dhex arkeysaa jidadka Caasimadda, xili roobaadka waxaa biyo degeen noqda Waddooyin muhiim ah isu socodkooda.

Saxmadda waa kuwo aan isbaddelin, daqiiqado badan ayay mararka qaar kugu qaadaneysaa in ay isaga kala gudbo Xaafado isku dhow oo Magaalada Muqdisho, waxaa loo sababeynayaa in cariirigaas uu dhaliyay nidaamka lagu jiheynayo Gaadiidka Caasimadda oo mararka qaar kuwa xamuulka ah oo waqti weliba socda.

Dowladda Hoose ee Xamar ayaa dhaqaale badan ka hesha Caasimadda sida Guryaha, Gaadiidka, Shirkadaha iyo Suuqyada waana canshuurta sida joogtada ah looga qaado balse ma helaan taas baddelkeeda waana tan keentay dad badan su’aalo dulsaaraan waxa diidan in ay waayaan canshuurtaas ay bixiyeen baddelkeeda.

Shaqada ugu weyn ee Dowladda Hoose ee Xamar oo ah Nadaafadda iyo Hagaagjinta Caasimadda ayaa mararka qaar kusoo koobmata goobaha socodka Madaxda Dowladda ku badan yihiin waana tan keentay in xitaa waddooyinka qaarkood la hilmaamo oo ciidda ama bacaadka ka sare maro kuna dhow in ay burburaan.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

5 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

8 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

10 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

11 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

12 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

12 hours ago