Diyaaradaha Casriga ah Turkiga ee Akinci ayaa maanta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ka billaabaya deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed sida wararka Mustaqbal ay heleyso ay sheegayaan.
Akinci waa mid kamid ah Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee tignoolajiyadda sirdoonka loo adeegsado, waxa ay qaadi kartaa gantaallo culus oo lagu beegsan karo goobaha bartilmaameedka u ah iyada oo xitaa awood u leh in ay duubto kahor iyo kaddib.
Soomaaliya & Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir muddo dheer oo kasoo billowday gargaar bani aadamnimo, waxa uu u xuubsiibtay mid Militari maadaama Ankara ay Muqdisho u tababartay ciidamo kuna qabaleysay hubka iyo diyaaradaha Dalkaas uu sameystay.
Qaadka Diyaaradda Akinci waxa ay xambaari kartaa 1,500 kiiloogaraam oo hub kala duwan ah sida gantaallada SOM cruise missiles, gantaallada lidka diyaardaha ee Gökdoğan, bambooyinka la hago ee Bozok iyo bambooyinka MK-82.
Bayraktar Akinci ayaa ku duuli karta joog dhan 30,000 fiit, waxayna hawada ku jiri kartaa 13 saacadood iyo 24 daqiiqo sida ay sheegtay wakalaada wararka Turkiga ee Anadolu oo xogta diyaaraddaan baahisay iyada oo soo xigatay khubarro ciidan.
Mustaqbal
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…