Milatariga Itoobiya oo ku hanjabay in ay xoog ku maquunin doonaan dibadbaxayaasha Jigjiga

Xaaladda Magaalada Jigjiga ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa saaka deggan iyada oo war ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dalka Itoobiya ay ku sheegtay in Milatariga ay ka jawaabi doonaan haddii rabshadaha ay sii socdaan.

Warka waxaa lagu sheegay Sharciga iyo kala dambeynta la soo celinayo islamarkaana laga hortagayo kuwa qaswadayaasha ah.

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Itoobiya ayaa wali ku sugan Magaalada Jigjiga,hayeeshee waxaa la xaqiijiyay in uusan xalay ku hoyan Madaxtooyada.

Rabshadihii shalay ka dhacay Jigjiga iyo guud ahaan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ku dhintay 10 Qof oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan shacab ah.

Dhinaca degaanka Baabili ee Ismaamulka Oromada,waxaa shalay ku dagaallamay Soomaali iyo Qowmiyadaha kale,waxaa laga soo wariyay dhaawacyo hayeeshee Milatariga Federaalka ah xakameeyeen.

Mustaqbal media

Recent Posts

Saraakiil sare oo gaarey furimaha hore DG Koofur Galbeed

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda…

11 hours ago

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo deeq waxbarasho u ballanqaaday ardayda Galmudug

Dowlad-Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa deeq waxbarasho oo heerka koowaad ee jaamacadda ah (Bachelor’s Degree)…

13 hours ago

DFS oo dib u dayactir ku sameynaysa Buundada Baardheere

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa xaqiijiyay in dowladda ay dib u…

14 hours ago

Trump oo ku faanay in uu kor usoo qaaday codadka uu haysto Netanyahu

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ku faanay in uu kor usoo qaaday codadka uu haysto…

18 hours ago

DFS oo Xog cusub kasoo saartay Shidaalka laga qodayo Xeebaha Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay halka ay marayso shaqada qodista Shidaalka Dalka ee…

18 hours ago

Ciidamada DF oo howlgallo ka dhan ah AS kawada Koofur Galbeed

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada deegaanno katirsan Maamulka Koofur…

19 hours ago