Maalmihii la soo dhaafay, magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay bannaanbaxyo waaweyn oo ay shacabka ku dalbanayeen caddaalad, kaddib markii la dilay gabadha yar ee Saabiriin Saylaan.
Maanta, Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa bilowday dhageysiga kiiska, iyadoo la horkeenay laba eedeysane oo kala ah Hodan Maxamuud Diiriye iyo seygeeda Cabdicasiis Nuur.
Xeer Ilaalintu waxay soo bandhigtay muuqaallo laga helay mobilka Hodan oo muujinaya jirdil joogto ah oo sababay geerida gabadha.
Hodan ayaa maxkamadda ka sheegtay inay tacaddiyada qaarkood dhaceen xilli ay miyir beel ahayd.
Guddoomiyaha maxkamaddu wuxuu fadhiga ku soo xiray ballan qaad ah in dhageysiga labaad uu dhici doono Isniinta 24-ka November.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…