Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay labada nidaam ECTN iyo E-Visa, iyadoo arrintaasi sababtay hadal heyn dalka gudahiisa iyo dibadda.
Nidaamyadan cusub ayaa ku waajibinaya dhammaan maraakiibta iyo diyaaradaha imanaya Soomaaliya in ay horey u soo gudbiyaan xogtooda.
Nidaamka ECTN ayaa Dowladda u suurta gelinaya in ay si toos ah u ogaato rarka, halka uu ka soo baxay, iyo waxa saaran ka hor inta uusan markabka soo gaarin dekedaha dalka.
Sidoo kale, falanqeeya dhanka amniga ayaa tilmaamay in Nidaamka ECTN sidoo kale ka hortagayo in dalka soo galo hubka sharci darrada ah iyo weliba Musuqmaasuqa.
Dhanka kale, nidaamka E-Visa ayaa sidoo kale ka shaqeynaya hubinta dadka duulimaadka hawada ku soo galaya dalka gaar ahaan Ajaanibta.
Labadan nidaam ayaa siinaya dowladda xog mideysan, dabagal iyo awood ay ku xoojiso ilaalinta xuduudaha.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid kor u qaadaysa daahfurnaanta, soo celinaysa kalsoonida caalamiga ah, isla markaana hagaajinaysa maamulka dekedaha iyo garoomada dalka.
Balse waxaa kale ka biyo diidan Somaliland iyo Puntland oo go’aamiyay in markii qofka yimaado deegaannooda la siinayo Fiso, isla markaasna aysan aqoonsaneyn Nidaamka E-visa ee ay soo rogtay Dowladda Federaalka.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…