Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Yurub iyo Hay’adda IOM ayaa si wadajir ah ugu suurtageliyay in dalka dib loogu soo celiyo 165 muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xanibnaa dalka Liibiya, halkaas oo ay ku wajahayeen xaalado nololeed oo aad u adag.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo warbaahinta kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in dadaal badan iyo wada-shaqeyn xooggan lagu bixiyay badbaadinta iyo keenista dadkaas, kuwaas oo intooda badan ku silcayay xabsiyada iyo xarumaha lagu hayo muhaajiriinta Liibiya.
Dhalinyarrada dalka dib loogu soo celiyay ayaa u mahadceliyay Dowladda Soomaaliya iyo Hay’addaha Caalamiga ah ee gacanta ka geystay soo noqoshadooda.
Warbixinaha rasmiga ah ayaa muujinaya in sanadka 2025 kaliya dalka dib loogu soo celiyay in ka badan 500 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo u badan dhalinyaro ku dhibtooday safarrada tahriibka iyo xarumaha lagu hayo muhaajiriinta.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…