GUDAHA/wararka

Maxay tahay baaqa uu MW Xasan Sheekh u diray Culimada Soomaaliyeed?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay mas’uul ka tahay ilaalinta arrimaha tiir dhexaadka u ah jiritaanka bulshada oo ay ugu horreeyaan diinta, dhaqanka, afka, amniga iyo kobcinta nolasha shacabka.

Madaxweynaha oo bogaadiyey waxbadka wanaagsan ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay in qabashada Shirweynihii 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, dhismaha xurunta wasaaradda iyo dib u habaynta arrimaha Xajka ay muujinayaan mudnaanta koowaad ee dowladdu ay siinayso culimada iyo diinteenna suubban ee Islaamka.

“Waxaan bogaadinaya wax-qabadka wanaagsan ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo hirgelisay Machadka Sare ee Shareecada oo ay ka qalinjabiyeen dufcadii ugu horreysa oo 197 arday, haddana ay socoto daraasadda dufcadii labaad,” sida uu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha oo hadalka sii wata ayaa sii yiri, “Waxaa kale oo guul weyn ah in la dhagax-dhigay Majliska Daarul-Iftaa oo aan rajeynayo in mustaqbalka dhow lagu qaban doono shirarka waaweyn ee culimada, dhammaan waa tusaale muuqda oo dadka dhaxal reeb u noqon doona, waxa ayna ku timid daddaal iyo hufnaan shaqo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culimada Soomaaliyeed ugu baaqay inay mideeyaan awooddoda, si ay hormuud ugu noqdaan shacabka Soomaaliyeed uguna hagaan midnimo iyo wadajir, taas oo door muuqda ka qaadan karta dowladnimo sal adag leh, bulsho toosan oo wacyigeedu sarreeyo, lana jaan qaada umadaha kale ee caalamka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

7 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

11 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

12 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

13 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

13 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

13 hours ago