Magaalada Asmara waxaa maanta ku kulmaya Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Eretareeya Isaias Afwerki si ay uga xaajoodaan xoojinta xiriirka labada Dal, Dhalinyarada tababarka loo geeyay dalkaas & Iskaashiga labada Dowlad.
Madaxweynaha Eratareeya Afwerki oo casuumay dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Asmara International Airport wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Labada Madaxtooyo ayaa xaqiijiyay in safarka Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ee Eratareeya uu qaadanayo muddo 4 cisho ah, kaddib marka uu soo dhammaado socdaalkaas ay soo bandhigi doonaan dhammaan waxyaabaha ay isla gartaan labada Madaxweyne.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, safarka uu ku tagay Eretareeya waa safarkiisii saddexaad uu dalka dibaddiisa ku aaday tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka 15ka May 2022.
Horay waxa uu u tagay waddamada Imaaraatka Carafta & Turkiga, madaxda labadaas dal ayuu kala hadlay xoojinta xiriirka ay la wadaagaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo in ay kawada shaqeeyaan danaha labada dhinac.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kahor inta aan la dooran waxa uu sheegay in uu ka shaqeynayo xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la wadaagto waddamada kale & dib u heshiisiinta Soomaalida dhexdeeda.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…