Dhoobley oo dhowaan Golaha Wasiirada DG Jubbaland u aqoonsadeen in ay noqoto degmo waxaa ka jira is baddel dhanka Maciishadda ah iyada oo Magaaladaas martigelisay Qoysas kasoo barakacay Abaarta Dalka ka jirta.
Qoysaska Barakacayaasha ah ayaa sheegay in aysan awoodin in ay iibsadaan Maciishadda qiimaha ku kordhay maadaama xoolihii ay dhaqanayeen abaartu baabi’isay halka ay kasoo tageen deegaannadooda.
Waxa ay sheegeen in dhibaatooyin dhanka nolosha ah ay lasoo deristay kaddib markii ay ka dhammaatay quutul-duuriga (Cunnooyinka joogtada loo isticmaalo) sida Bariiska, Burka, Salidda & Sokorta oo dhammaan laba laab noqday lacagaha lagu iibinayo.
“Loorka Bariiska ah waxa uu jooji jiray $14 (Toban & afar dollar) iyo wax ka yar balse maanta waxa uu gaaray $30 (soddon dollar), Qof maalintii soo hela $2 ma awoodo in uu iibsado, sokortana way kasii daran tahay” ayuu yiri qof kamid ah Dadka Barakacayaasha ah ee sicir bararka ka cabanaya.
“Waxaa dhacda in saddex ama labo beri aadan helin wax lacag ah iyada oo lagaa rabo biilka reerka, sicir bararka waxa uu kasii daray xaaladdii adkeyd, Sokorta waxa ay ka sare martay qiimihii horay loo iibin jiray, 20ka Liitar ee saliidda ee la iibinayay $20 waxaa maanta la iibinayaa $40 ilaa $50, Ganacsatada waxa aan ka codsaneynaa in hoos loo dhigo si dadka ay u awoodaan in ay iibsadaan” Sidaasi waxa yiri qof kale oo la hadlay Warbaahinta.
Haweeney kamid ah Qoysaska barakacayaasha ah ee ku sugan Dhoobley waxa ay sheegtay in la waayay qoryaha laga soo guro deegaannada ka baxsan Magaalada si lacagta lagu iibiyo ay ugu sii iibsadaan cunnooyinka ay u baahan yihiin.
“Dadka Barakac weeye oo duunyadu qaar bay kasoo kasoo dhammaatay, Maciishadda cirka ayay u kacday oo xitaa haddii kareetada qoryo kusoo qaataan oo ay iibsadaan ma awoodaan, qoysaska qaar waxa ay awoodi waayeen in ay dabka shitaan, lacagaha yar ee qoryaha kusoo iibsadaan uma goyso (kuma filna) in ay wax ku iibsadaan” ayay tiri Haweeney kamid ah Barakacayaasha ku sugan Dhoobley.
Dhoobley waa Magaalada Labaad ee ugu badan oo martigelisay qoysas kasoo barakacay abaarta ka jirta Soomaaliya, Dadkaan oo ah Xoolo dhaqato & Beeraley ayaa degay xeryo dib u dejin loogu sameeyay balse ma heystaan waxyaabaha aasaasiga ah sida cunnada & biyaha.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…