GUDAHA/wararka

Golaha Wasiirrada DG Galmudug oo degmooyin u aqoonsaday Baxdo iyo Wisil.

Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada ee xukuumadda Galmudug, kaas oo todbaadkaan lagu qabtay degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa diiradda lagu saaray amniga waxaana intaas kadib  Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib Uheshiisiinta Galmudug ay hor dhigay golaha xukuumadda, in cod loo qaado degmaynta degmooyinka Baxdo iyo Wisil.

Ugu horreyn Golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa ka dooday taas oo markii dambe madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye uu cod u qaaday ansaxinta degmooyinkan. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirada ayaa “cod gacan taag ah ku ansixiyay golaha wasiirada, mana jirin cid ka aamustay, waxaana Baxdo iyo Wisil loo aqoonsaday degmooyin rasmi ah.” Ayaa lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay Shirka.

Ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hor gayn doonta golaha baarlamanka Gamudug, si ay waajibkooda uga gutaan, una sharciyeeyaan iyadoona ugu danbayn uu sixiixi doono Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

59 mins ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

3 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

4 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

4 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

6 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

8 hours ago