Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in Maamulkiisa uu gacan adag ku qabanayo Dad sheeganaya in ay leeyihiin dhul la dejiyay qoysaska kasoo barakacay Abaarta Dalka ka jirta.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in la xirayo Dadka damacsan in ay sal kiciyaan qoysaska la dejiyay dhulka bannaan si looga warqabo isla markaana loogu hayo meelo lagu og yahay si gacansiintoodu fududaato.
Duruufo dhanka Hoyga & Musqulaha ah ayuu sheegtay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam in ay heysato qoysaska uu kusoo arkay Dhoobley & Duleedka Magaalada Kismaayo oo Gobolka Jubada Hoose ah.
“Waxaa Dadka ciqaab ku noqotay dhul ayaa la isku imtixaamay, Dadka dhibaateysan ee Dowladdu meel dejisay Dad ayaa raba in ay dhahaan innaga ayaa iska leh, Dhulka ilaah baa iska leh Dowlad baa Mas’uul ah, dhulka la leeyahay waa la wada beeran ee aan waxba kama jirin goormee dhul aan weligii geed ka bixin goorma ayuu beer noqday, Dadka sheeganaya dhulka in la qabqabto oo la xirxiro ayay u baahan yihiin, Dhulkaas cid malaha, ilaah baa iska leh, Dowladda ayaa mas’uul ka ah, qofka inta uu degen yahay ayuu mas’uul ka yahay, qabiil & qof gaar ah ayaan loola jeedin” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
Madaxweynaha DG Jubbaland ayaa Hay’adaha iyo Maamullada Deegaannada ay degen yihiin Barakacayaasha ugu baaqay in ay nidaamiyaan Xeryaha dadkaas la dejiyo iyada oo laga fikirayo caafimaadkooda & deegaankooda.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…