Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay dalka Turkiga, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.
Kulanka labada mas’uul ayaa ka dhacay magaalada Ankara, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal.
Sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga, Burhanettin Duran, labada Madaxweyne ayaa diiradda saari doona sidii loo xoojin lahaa xiriirka istiraatiijiyadeed.
Waxayna sidoo kale is dhaafsan doonaan aragtiyo ku saabsan arrimaha gobolka, gaar ahaan xaaladda ka taagan Gaza iyo xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo Suuriya.
Khubarada siyaasadda ayaa booqashadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo calaamad u ah biseylka cusub ee xiriirka ka dhexeeya Ankara iyo Abu Dhabi.
Prof. Nilhan Suay Acikalin oo ka tirsan Jaamacadda Haci Bayram Veli ayaa sheegay in kulanka labada hoggaan lagu lafa-guri doono mashaariic maalgelineed iyo arrimaha la xiriira gargaarka bani’aadamnimo.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…