GUDAHA/wararka

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada XFS?

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2027, iyadoo looga hadlay xaaladda amniga dalka iyo howlgallada ciidamada qalabka sida ay kula dagaallamayaan AS Al-Shabaab.

Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha, taas oo soo bandhigtay guulaha ay ciidamada qalabka sida ka gaareen deegaannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa Shukri Xasan Cusmaan u magacaabay Agaasimaha Hay’adda Liiltirka iyo Hawlgabka Shaqaalaha Rayidka ah, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa soo dhoweeyay dhammaadka howlihii Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyagoo bogaadiyay kaalintii uu xafiisku ka qaatay geeddi-socodkii kala guurka iyo dib-u-soo kabashada dalka.

Goluhu wuxuu sidoo kale xusay marxaladihii uu dalku soo maray, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada iyo isku-filnaanshaha Soomaaliya.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Saraakiil sare oo gaarey furimaha hore DG Koofur Galbeed

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda…

10 hours ago

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo deeq waxbarasho u ballanqaaday ardayda Galmudug

Dowlad-Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa deeq waxbarasho oo heerka koowaad ee jaamacadda ah (Bachelor’s Degree)…

12 hours ago

DFS oo dib u dayactir ku sameynaysa Buundada Baardheere

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa xaqiijiyay in dowladda ay dib u…

13 hours ago

Trump oo ku faanay in uu kor usoo qaaday codadka uu haysto Netanyahu

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ku faanay in uu kor usoo qaaday codadka uu haysto…

17 hours ago

DFS oo Xog cusub kasoo saartay Shidaalka laga qodayo Xeebaha Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay halka ay marayso shaqada qodista Shidaalka Dalka ee…

17 hours ago

Ciidamada DF oo howlgallo ka dhan ah AS kawada Koofur Galbeed

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada deegaanno katirsan Maamulka Koofur…

18 hours ago