GUDAHA/wararka

Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee 2027 oo hoos u dhacday 9.2%

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2027, taas oo gaareysa $1,259,238,253, marka loo eego $1,386,807,242 oo ahayd miisaaniyaddii sannadka 2026.

Tani ayaa ka dhigan in miisaaniyadda cusub ee dowladda Soomaaliya ay hoos u dhacday $127.6 milyan, una dhiganta 9.2%.

Hoos u dhaca miisaaniyadda ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay wajahayso marxalad kala guur ah, isla markaana ay yaraadeen deeqihii iyo taageeradii dhaqaale ee ay dowladda ka heli jirtay beesha caalamka.

Si kastaba ha ahaatee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo soo diyaarisay miisaaniyadda ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen, weli ma aysan shaacin sababaha rasmiga ah ee keenay hoos u dhaca ku yimid miisaaniyadda sannadka soo socda.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inuu kordhay dhaqaalaha gudaha dalka, hase yeeshee kororkaasi kama muuqdo miisaaniyadda 2027 oo ka hooseysa tii sannadkii hore.

Arrintan ayaa dhalinaysa su’aalo la xiriira saameynta kobaca dakhliga gudaha iyo yaraanshaha deeqaha dibadda ay ku yeesheen qorshaha maaliyadeed ee dowladda.

Hoos u dhaca miisaaniyadda 2027 ayaa sidoo kale ah mid xusid mudan, maadaama uu yahay hoos u dhicii ugu weynaa ee miisaaniyadda dowladda tan iyo markii ay xukuumaddan talada qabatay, sida xogta la hayo muujinayso. Miisaaniyadda ayaa hoos u dhacday 9.2%, taas oo ka duwan jihadii kororka ee lagu arkayay miisaaniyadaha sannadihii hore.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Muqdisho oo laga daahfuray Madasha Afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka

Madasha Afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho,…

9 hours ago

Maxaa ka jira in Diyaaradaha Turkiga ee F-16 si kama’ ah u duqeeyeen Ciidan ka tirsan XDS?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in wararka sheegaya in diyaaradaha…

10 hours ago

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada XFS?

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda, Saalax…

11 hours ago

Lu da Silva oo ku guullaystay Doorashadii ka dhacday Brazil

Lula da Silva oo ah Madaxweynaha Brazil ayaa ku guullaystay markale xilkaas kaddib markii uu…

2 days ago

Carruur ku dhimatay Miino ay ku cayaarayeen oo kula qaraxday Gaarisa

Ismaamulka Gaarisa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo galaaftay Nolosha labo carruur oo la sheegay…

2 days ago

Maleeshiyaadka Laftagareen oo weeraray Saldhig Ciidanka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin Duleedka Baydhabo

Maleeshiyaadka Cabdicasiis Laftagareen ayaa saaka weeraray Saldhig Ciidanka Maamulka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin duleedka…

2 days ago