1-da Luuliyo waa maalin qaran oo shacabka Soomaaliyeed ku xasuustaan xorriyadda iyo midnimada dalka. Maalintan oo ah mid ka mid ah tiirarka taariikhda Soomaaliyeed, waxaa sanad kasta si weyn looga xusaa guud ahaan dalka iyo dibaddaba.
1-da Luuliyo 1960-kii ayaa lagu dhawaaqay dhismaha Jamhuuriyadda Soomaaliya kaddib markii ay Midoobeen gobolladii Waqooyi iyo Koonfureed. Gobollada Waqooyi waxay xorriyadda ka heleen gumeystihii Ingiriiska 26-kii Juun 1960, halka Koonfurta ay xoriyadooda ka qaateen Talyaaniga 1-da Luuliyo 1960. Isku darkii labadaas gobol ayaa horseeday dhalashada Dawladdii Soomaaliyeed ee xor ah.
Maalinta 1-da Luuliyo waxaa si gaar ah loo xasuusta halgamayaashii naftooda u huray xoriyadda iyo madaxbannaanida dalka.
Sanad kasta, shacabka Soomaaliyeed waxay u dabbaaldegaan 1-da Luuliyo, iyaga
Munaasabado calan-saaryo, bandhigyo dhaqameed, heeso waddani ah, iyo barnaamijyo xambaarsan wacyigelin taariikheed. Madaxtooyada Qaranka, dowladda, iyo hay’adaha kala duwan waxay qabtaan munaasabado rasmi ah oo lagu xusayo maalintan.
1-da Luuliyo waa maalin milgo iyo maamuus leh oo xambaarsan taariikh dahabi ah. Waa maalin ku beegan guushii shacabka Soomaaliyeed ee ay ka gaareen halgankii dheer ee xorriyadda, iyo bilowgii qaran mideysan oo leh dawlad rasmi ah.
Waxaa la gudboon jiilka maanta iyo kuwa dambe in ay xafidaan qiimaha maalintan, una halgamaan sidii dalku u noqon lahaa mid horumar leh, nabad ah, oo isku duuban.
Mustaqbal
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…
Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…