Xuquuqda Sawirka waxaa iska leh Dailay nation.
Badi Nairobi xalay lagama hurdin oo dadka waxay sugayeen halkay ku dhammaan doonto xaalada weerarka dhismaha DuSit. Waxaa jirtay warar sheegaya in dad lagu heysto gudaha dhismaha.
Boqollaal ruux ayaa waagu ugu baryey waddada weyn ee Waiyaki Way, iyagoo ka war dhowraya eheladooda iyo xubno qoysaskooda ka mid ah oo maqnaa. Dadkaasi waxaa ku jiray qoysas Soomaali ah.
Saaka aroortii waxaa la maqlay rasaas iyo qarax askartu ku sheegeen bambo gacmeed oo ka imaaneysa qeybta dhismaha Grosvenor ee ka tirsan deegaanka DuSit.
Waxyar ka hor 5.00am (aroortii saaka) waxaa la soo badbaadiyay dad gaaraya 50 ruux oo ay ku jiraan dad dhaawacyo qaba.
Dadka la soo badbaadiyay waxaa ku jiray wariye Silas Apollo iyo filimqaade la socday oo hotelka shalay u tagay wareysi. Labaduba waxay 10 saacadood ku dhuumanayeen suuliga (musqusha).
Waxaa yimid afar ambulance oo qaaday dhaawacyada.
Dadka la soo badbaadiyay qaarkood waxay sheegeen inay ku hoos jireen kuraasta iyo miisaska dabaqa koowaad ee dhismaha ugu soo horreeya marka laga galo dhanka 14 Riverside.
– Waxay xalay dhibaato kajirtay sidii dadka loogu qancin lahaa inay soo baxaan oo ay askarta aaminaan. Abbaare 4am (aroornimo) ayaa askarta oo adeegsaneysa cod baahiye dadka isu sheegeen iyagoo u sheegaya “inay yihiin booliska oo ay ka soo baxaan dhismaha”.
Isha: Abdalla Ahmed Muumin, Wariye deggan Nairobi.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…