Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu maanta tago magaalada Baydhaba ee Gobolka Baay.
Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Baydhaba ayaa la xiriira ka qeybgalka munaasibadda Caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.
Magaalada Baydhaba waxaa xalay ku hoyday wufuuf ka kala socota shanta dowlad Goboleed ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ah.
Waxaa kale oo ka qeybgelaya wakiillo ka kala socda waddamada safaaradaha ku leh Muqdisho iyo sidoo kale hay’daha caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya.
Amaanka Magaalada Baydhaba ayaa aad loo adkeeyay,waxaana ka howlgalaya Ciidamo ka socda Dowladda Federaalka ah oo dhowr maalmood ka hor la geeyay magaalada.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…