WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Maxaa ka soo kordhay weerarkii Al Shabaab ku qaaday hotelka Afrik ee Muqdisho?

Dabley ka tirsan Al-Shabaab ayaa Axada maanta ah weerartay huteel Afrik oo ku yaalla wadada gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kuna dhow isgoyska KM4 ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax loo maleynayo qarax gaari waxaana xigtay is-rasaaseyn la aaminsan yahay in ay u dhaxeysay dableyda Al-Shabaab iyo ciidamadda qaabilsan ammaanka huteelka.

Gen. Yuusuf Siyaad Indha Cadde iyo Generaal Aadan Abshir Nuure Laba-Afle oo ku sugnaa goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa hadda laga soo bad-baadiyay guddaha hotelka sida saraakiisha Amaanka u sheegeen Mustaqbal Media.

Ganacsade lagu magacaabo Xuseen Cali Goleey ahna Milkiilaha Hotelka Qarax lala beegsaday, Odoyaal iyo Dhallinyaro ayaa ciidanka amaanka ku guulaysteen in ay ka soo saaraan hotelka qaraxu ka dhacay.

Dagaalka ayaa wali socda waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Soomaaliya.

War ka soo baxay Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday Hotelka Afrik.

MM Staff

Recent Posts

Kenya oo hoos u dhigaysa qiimaha Gallayda & Bacriminta Beeraha

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in Dowladdiisa ay taagaarayso beeralayda gaar ahaan kuwa soosaara…

40 mins ago

Ugu yaraan 7 ruux oo ku geeriyooday Duqeymo ka dhacay gobolka Nugaal

Wararka naga soo gaaraya Xeebaha Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday duqeyn…

15 hours ago

Dowladda UK oo sheegtay in ay Soomaaliya ka taageerayso ka hortaga weerarada AS

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Boqortooyada…

18 hours ago

DFS oo kordhisay ciidamada suga amniga Magaalada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay ciidamada sugaya Amniga Magaalada Muqdisho, kaddib markii todobaadkii tagay qaybo…

22 hours ago

Cumaan iyo Masar oo dib u billaabaya wadahadallada Maraykanka & Iiraan

Dalalka Cumaan iyo Masar ayaa xoogga saaraya sidii ay dib ugu billaabi lahaayeen wadahadallada joogsaday…

23 hours ago

Maraykanka oo xayiraadda Fiisaha ka qaaday Soomaaliya

Dowladda Maraykanka ayaa xayiraadda Fiisaha ka qaadday Baasaboorka Soomaaliya kaddib markii go’aankaas uu ku dhawaaqday…

1 day ago