GUDAHA/wararka

Masar oo xaqiijisay in ay qayb ka tahay howlgalka cusub ee AUSSOM

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa sheegtay in ay qayb ka tahay howlgalka cusub ee AUSSOM oo lagu baddelayo kan ATMIS ee sida tooska ah u billaabanaya marka la gaaro Bisha Janaayo sanadka soo socda 2025.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badri Cabdilcaadi oo la hadlay Warbaahinta kaddib markii uu la kulmay dhiggiisa Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Dowladdiisa ay qayb ka tahay howlgalka AUSSOM.

Badri ayaa tilmaamay in Dowladdiisa waajib ka saaran yahay garab istaagga Soomaaliya sidaas awgeed Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar diyaar u tahay kamid noqoshada howlgalka lagu xoojinayo nabadda & kala dambeynta.

“Masar waxa ay qayb ka tahay oo Dowladda Soomaaliya ka codsatay howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay taageerayaan si loo xoojiyo nabadgalyada” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badri Cabdilcaadi.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad loo hadal hayay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib uga laabatay go’aankeedii ahaa in howlgalka AUSSOM laga saaro Itoobiya oo baddelkooda lasoo geliyo Masar & Eretareeya kaddib heshiiskii ka dhacay Turkiga.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

1 hour ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

3 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

4 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

4 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

15 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

17 hours ago