GUDAHA/wararka

DFS oo joojisay diyaarihii aadi jiray Kismaayo & Doolow

Sida ay sheegayaan wararka la helayo, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaan maanta joojisay duullimaadkii diyaaradaha tagi jiray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose iyo Degmada Doolow oo katirsan Gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka si dhab ah uma shaacin sababta maanta loo hakiyay Duullimaadka labadaan Magaalo balse wararka soo baxaya ee laga helayo ilo madaxbannaan ayaa sheegaya in khilaafka kala dhaxeeya Dowlad-Goboleedka Jubbaland in uu saameeyay.

Shalay Diyaarad kamid ah kuwa ka aada Magaalada Kismaayo ayaa lagu qaaday mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo ciidan kuwaas oo laga dejiyay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo oo isla xiligaas ka dhacay dagaal xooggan.

Xiisadda ka dhex jirta Dowladda Federaalka & Axmed Madoobe ayaa ka dhalatay Doorashadii uu ku qabsaday Magaalada Kismaayo, waxa ay Dowladdu ku doodday in uu Madaxweynaha DG Jubbaland uu saxiixay Doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

4 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

5 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

8 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

8 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

8 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

19 hours ago