GUDAHA/wararka

Masar oo Soomaaliya usoo diraysa Saraakiil Amni & Dhaqaatiir

Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay Soomaaliya usoo dirayso Saraakiil Khubarro ah oo Dowladda Federaalka ka gacansiiya adkaynta Amniga Dalka iyo la dagaalanka waxa loogu yeero ‘Argagaxisada’ kaddib wadahadal dhexmaray labada madaxweyne.

Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Al-Siisi ayaa in Dowladdiisa oo horay fasax ugu heshay ka qaybgalka Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM in ay dadejin doonto ciidamada iyo saraakiisha qaybta ka qaadanaya adkaynta Amniga Dalka.

“Iskaashigaan waxaa sidoo kale kamid ah tababarrada iyo dhisidda Awoodaha Ciidan, innaga oo Soomaaliya u dirayno Saraakiil khubarro amni ah oo gacan ka gaysta dagaallada ka dhanka ah Argagixisada, waxaana naga go’an xaqiijinta Himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed ee dhanka horumarka iyo Barwaaqada” Ayuu yiri Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Al-Siisi.

Sidoo kale, Xukuumadda Qaahira ayaa Dhaqaatiir takhasusaad kala duwan leh iyo dawooyin usoo diraysa Soomaaliya si loo xoojiyo cilaaqaadka ka dhaxeeya Labada Dowladood loona xoojiyo iskaashigooda dhinacyada kala duwan ku dhisan.

“Si loo sii wado dedaallada cusub ee lagu xoojinayo Yoolkeenna wadajirka ah, Masar waxa ay dhowaan Soomaaliya u diraysaa Dhaqaatiir leh Takhasusaad kala duwan iyo Agab Caafimaad” Ayuu yiri Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Al-Siisi.

Masar waxa ay kamid tahay Dalalka ku deeqay Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM balse ciidamdeedu weli dalka sooma gaarin, Xukuumadda Qaahira ayaa shaacisay in ay soo dadejin doonto Ciidamadaas si ay qayb uga noqdaan howlgallada lagu adkaynayo Amniga Dalka sida hadalka loo dhigay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

2 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

2 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

2 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

14 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

16 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

16 hours ago