Dowladda Masar ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay iibsatay nidaamka difaaca cirka ee fog ee HQ-9B, kaas oo lagu sameeyo dalka Shiinaha.
Talaabadan ayaa muujinaysa isbadallada Masar ku sameyneyso istaraatiijiyaddeeda milatari, xilli Beijing ay si xawli ah u ballaarinayso saameynteeda hubka ee caalamka.
Nidaamka HQ-9B, oo ah mid la mid ah nidaamka difaaca cirka ee Mareykanka Patriot ama kan Ruushka ee S-300, ayaa awood u leh inuu bartilmaameedsado diyaaradaha dagaalka, gantaallada loo rido meel fog iyo kuwa xawaaraha sare leh.
Khabiirro dhanka amniga iyo difaaca ah ayaa sheegay in heshiiskan uu hoos u dhigi karo saamigii Ruushka ee suuqyada hubka Afrika, iyadoo dalka Shiinaha uu si tartiib tartiib ah u beddelayo doorkii ay Moscow ku lahayd dalal badan oo xulafo hore u ahaa.
Masar oo hore u ahayd macaamiil weyn oo Ruushka ah, ayaa hadda si tartiib ah u wareegeysa dhinaca Shiinaha, iyada oo arrintan loo arko inay qeyb ka tahay isbeddelka guud ee saameynta istiraatiijiyadeed ee Bariga Dhexe iyo Afrika.
Mustaqbal
Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…
Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…
Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…