Mary Harper oo ka cabaneysa wicitaannada Al-shabab

Tafaftiraha BBC-da qeybteeda Afrika Mary Harper ayaa sheegtay in marka ay Al-shabaab wacaan ama farriin ugu diraan Emailkeeda ay qarracanto.

Mary oo maqaal dheer ka qortay wicitaannada AL-shabaab marka ay weerarrada geystaan ayaa sheegtay in xilliyada ay weerarrada ka wadaan Hoteellada ay soo wacaan una sheegaan in ay dil badan wadaan, kuwa Hotelka ku jirana ay si fiican u leynayaan dadka deggan Hotelka.

Mary ayaa sheegtay in ay qarka u saarantahay luminta saaxiibadeeda Soomaalida ah, maaddaama  wicitaannada Soomaaliya oo dhan ay u heysato in ay yihiin AL-shabaab.

Sababta ugu badan ee ay Al-shabaab u wacayaan ayey ku sheegtay in ay tahay in ay sheegtaan mas’uuliyadda weerar xilligaas socda ama dhamaaday.

Waxaa ay sheegtay in maalinkii ay wacaan 17 ilaa 15 jeer, marka ay ka qaban weysana ay Inbox-ka Emailkeeda,waxaana ay ka muujisay walaac badan.

Mary ayaa sheegtay in marka ay Gaari waddo, ama ay waqti la qaadaneyso qoyskeeda ama ay shaqo ku jirto ay ku adag tahay in ay taleefan ka jawaabto, sidaas darteedna marka ay fursad hesho ku aragto wicitaanno badan oo Soomaaliya ah.

Walwalka ugu weyn ee ay qabto ayaa waxaa ka mid ah in wicitaannadaas aysan ku celin Karin xitaa haddii uu yahay qof muhiim u ah, sababta oo ah  waxaa ay u heysataa in ay yihiin Al-shabaab.

Mary ayaa sheegtay in dhowr jeer ay la kulantay hanjabaadyo dil ah laakiin ma ahayn AL-shabaab sida ay sheegtay.

Linkigan hoose ka aqri sheekada oo dhameystiran.

https://www.thetimes.co.uk/article/the-bbcs-mary-harper-im-stalked-by-al-shabaab-kr70ks3m9

Web master

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

1 hour ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

1 hour ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

2 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

16 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

18 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

20 hours ago