Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Marcelo oo ammaan kala dul dhacay Vinícius Jr.

Marcelo ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in Vinícius Jr uu qeyb ka noqdo kooxda Real Madrid, isagoo tilmaamay inuu yahay mustaqbalka haatan ee Los Blancos, marka loo fiiriyo awoodiisa ciyaareed.

18 jirkan ayaa yimid garoonka Santiago Bernabeu inta lagu jiro suuqan xagaaga, wuxuuna kaga soo dhaqaaqay kooxda reer Brazil ee Flamengo aduun dhan 45 million euros.

Vinícius Jr ayaa bandhig wanaagsan ka sameeyay kulamadii laso dhaafay ee diyaar garowga uu Real Madrid kaga soo muuqday, taasoo ku riixeysa Julen Lopetegui inuu ku tiirsanaadoo adeegiisa xili ciyaareedka cusub.

Laakiin Marcelo ayaa kahor kulanka caawa ay kula ciyaari doonaan kooxda Atletico Madrid koobka UEFA Super Cup wuxuu ka hadlay awooda Vinícius Jr.

“Vinícius Jr wuxuu haatan qeyb ka yahay kooxda Real Madrid, waxaana filayaa in wax badan uu ka qaban doono”.

“Waxaan ku imid Real Madrid da’aada 18 jir, sidoo kale Ramos wuxuu ahaa 19 jir”.

“Vinícius Jr waa da’ayar, waxaana dooneynaa inaan si weyn u caawino, si uu u soo bandhigo wax walba ee awoodiisa ciyaareed ah. Waa xidiga mustaqbalka iyo haatan ee kooxda Real Madrid”.

“Waana ku faraxsanahay inaan heysano ciyaaryahan kale ee reer Brazil, ciyaartoyda oo dhan si weyn ayay u soo dhaweeyeen, waxayna aaminsan yihiin awoodiisa ciyaareed”.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

4 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

4 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

6 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

6 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

7 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

20 hours ago