DIBADDA/Wararka

Maraykanka oo awood gelinaya sidii xabbad-joojin looga dhaqangelin lahaa Magaalada Gaza.

Dowladda Maraykanka ayaa bannaanka soodhigtay qorsaha ay damacsan tahay ee ah in xabbad-joojin laga dhaqangeliyo bariga dhexe gaar ahaan Magaalada Gaza si loosoo afjaro howlgalka dhiig-baxa badan dhaliyay ee Israaiil & Xamaas ay wadaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in hoggaamiyaasha dhaqdhaqaaqa Xamaas ay kasoo jawaabeen hindisaha sii daynta Maxaabiista ay haystaan si loo hakiyo dagaallada socda maadaama mowqifkoodu uu yahay mid iska cad.

Waxa uu sheegay in dhanka Israaiil ay ku madax adeegayaan in si awood ah ay kusoo furanayaan Maxaabiista laga haysto ay ku muddo dheeraatay sidaas darteed wixii haatan ka dambeeya xalka keliya ee la haystayaashaal lagu raadinayo uu yahay wadahadal.

Xamaas ayaa horay usoo bandhigtay go’aankeeda xabbad-joojinta Maraykanka uu gedaal ka riixayo iyada oo sheegtay in haddii laga soo baxo shuruudaha dhankooda ay wataan dagaalka uu joogsano doonno waase marka la aqbalo shuruudahooda.

Maraykanka ayaa Israaiil waxa uu Bishii Nofeembar siiyay fursad bil ah oo Xukuumadda Benjamin Netanyahu ay ku sheegtay in ay si awood ah kusoo furanayso maxaabiis laga haysto bishii Deseembar 2023 ayay qaadday dagaal aanay natiijo rasmi ah ka gaarin.

Bishii Janaayo 2024 ayay markale dalbatay in loogu daro si ay usoo gabagabayso raad-raac ay ku heshay godad ay isticmaalaan dagaalamayaasha Xamaas balse natiijo kama haysto ilaa haatan oo lagu guda-jiro Bisha Febaraayo 2024.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi

Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…

6 hours ago

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

11 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

14 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

18 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

19 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

20 hours ago