GUDAHA/wararka

Mudaharaado ka dhan ah, xisbi doonaya in muhaajiriinta laga masaafuriyo Jarmalka

Barxadda hore ee baarlamaanka dalka Jarmalka, waxaa isugu soo baxay in ka badan 150,000 oo debedbaxayaal ah, kuwaas oo sameeyey waxa ay ugu yeedheen derbiga looga hortegayo, kooxaha xagjirka ah. Dadkan ayaa ka cabanayey xisbiga Alternative for Germany ama loosoo gaabiyo AfD. Dadka debedbaxayey waxaa ku jiray, siyaasiyiin waaweyn oo u dhashay dalkaas.

Tan iyo badhtamihii bishii January waxaa Guud ahaan dalka JArmalka ka socday debedbaxyo waaweyn, ka dib markii uu bogga Correctiv uu daabacay in siyaasiyiin ka tirsan AfD inay ka doodeen in si khasab ah muhaajiriinta looga saaro dalkaas – xaataa kuwa haysta dhalashada dalka Jarmalka, ka dib kulan qarsoodi ah oo ay bishii November ku yeesheen duleedka Berlin.

Jeannette Gusko oo ka mida madaxda sare ee bogga Correctiv ayaa sheegtay:

“Kooxaha wata aragtida Naziyiinta, deeqbixiyayaashooda iyo siyaasiyiinta AfD waxay ka wada-xaajoodeen sidii Jarmalka looga eryi lahaa malaayiin qof. Arrintan ayaa ah, qodob uu xisbiga AfD doonayo inuu awoodda ku gaadho.”

Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Olaf Scholz ayaa soo dhoweeyey debedbaxyada:

“Haddii uu jiro shay ay tahay inaanu meel ku yeelan dalka Jarmalka, waa aragtida Naziyiinta. Aragtida ah, in la eryo ama in meelo kale lagu celiyo waa midda ay wataan kooxaha xagjirka ahi”

Mid ka mida madaxda AfD Alice Weidel ayaa warbixintan ku tilmaamtay inay tahay aragti ay ololaha ku gelayaan kooxaha dhinaca midig u janjeedha.

“Cadawga rasmiga ah ee dastuurkeenu wa kuwa ku baaqaya in la mamnuuco xisbiyada”

Taariikhdii xasaaasiga ahayd ee uu soo maray dalka Jarmalka gaar ahaa xilliyadii uu ka talinayey Hitlar iyo Naaziyiintu, ayaa dalkaas ka dhigay inay aad xasaasiyad uga qaadaan aragtiyaha xagjirka ah ee garabka midig. Waxaa haatan isasoo taraya baaqyo ku aaddan in la mamnuuco xisbiga AfD.

Isha: VOA SOMALI

MM Editor

Recent Posts

Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi

Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…

5 hours ago

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

10 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

13 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

17 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

18 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

19 hours ago