Dowladda Maraykanka ayaa ballaarisay dhismaha Garoon Militari oo ku yaalla Saldhigga Ciidamadiisa jooga Afrika gaar ahaan Taliska AFRICOM xerada uu ku leeyahay Manda Bay ee Dalka Kenya si loo kordhiyo duqaymaha ka dhanka ah ‘AS’ & Daacish.
Xubno sare oo ka socda Maraykanka ayaa dhagax-dhigay mid kamid ah goobaha ay ku ordaan Diyaaradaha marka ay duullayaan ama ay degayaan (Runway) si ay qayb uga qaado fududaynta howlgallada duqaymaha ah ee Soomaaliya uu dalkaas ka fulinayo.
Ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Christopher Landau ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidamadiisa iyo gacansiinta Kenya maadaama ay ku casuumtay saldhiggaan oo muhiim u ah howlgalladooda ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagixisada.
Dhaqaalaha ku baxaya dib u ballaarinta Garoonka Diyaaradaha waa $70 Milyan oo doollar, Saraakiisha AFRICOM ayaa sheegay in tani ay u fududeyneyso fulinta howlgallo degdeg ah oo ka dhaca Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya sida hadalka loo dhigay.
AFRICOM ayaa kordhiyay duqaymaha uu ka fulinayo Soomaaliya sanadkaan 2026, inta diiwaanka la geliyay Bishii Janaayo oo keliya waxa ay ka badan yihiin 25 weerar oo ka kala dhacay Koofurta, Bartamaha & Waqooyi Bari Soomaaliya.
Weerarkii ‘AS’ ay ku qaadday Xerada Manda Bay ee Kenya ayaa la sheegay in khasaara xooggan uu gaaray Saldhiggaas, waxaa loo baahday in la ballaariyo dhismihiisa xeradaas oo ugu danbayn la dhisayo Dhabbe cusub oo Diyaaradaha ay ku ordi karaan (Runway).
Mustaqbal
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…