Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqad uu u diray dhiggiisa Maraykanka Donald Trump waxa uu ka codsaday in Dowladdiisa ay maamusho Garoomada Diyaaradaha iyo Dekedaha Dalka.
Goobaha la tilmaamay waxaa kamid ah Garoonka Diyaaradaha Ciidanka Cirka ee Ballidoogle, Kan Berbera, Dekedaha Boosaaso iyo Berbera sida lagu sheegay xogta ay daabacday Warbaahinta heshay nuqullo kamid ah qoraalkaan oo ku taariikheysan 16kii bishaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maraykanka usoo jeedisay in uu diiradda saaro arrintaan oo muhiimad gaar ah u leh dhaqdhaqaaqa ka socda geeska Afrika si loo gaaro is fahamna loo baahan yahay in wadahadal labada dhinac ka yeeshaan.
Villa Somalia iyo Aqalka Cad weli kama hadlin xogtaan lasoo dusiyay ee Warbaahinta qaarkood ay heshay, dhowaan waxaa kale oo bannaanka usoo baxay in DFS ay heshiis la gashay shirkad gaar ah oo Trump ka hor istaageysa in Ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya.
Dhowaan waxaa soo baxay warar sheegaya in Somaliland ay aqoonsi ka dalbatay Maamulka Madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump, Washington kama jawaabin labadaan warbixin ee waqtiyada isku dhow soo baxay.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…