Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Man City Oo Etihad Stadium ku xasuuqday Man United.

Kulankii derby Manchester ayaa xalay ka dhacay garoonka Etihad ee magaalada Manchester waxaana marti ku aheyd United.

City ayaa biloowgii heerka kubad haysashooda waxa ay gaartay 87% waana laga filan karay gool maadaama cadaadiskooda ahaa mid aan kala joogsi laheyn .

City oo nasiinada ugu dirtay United hal gool oo nadiif ah ayaa waxaa daqiiqaddii 12-aad saxiixay David Silva ka dib kubad uu ka shaqeeyay Riyad Mehraz .

United waxa ay soo baraarugeen waxii ka dambeeyay daqiiqaddii 20-aad waxa ayna bilaabeen in kubadda gaarsiiyaan aagga goosha City waxa ayna bilaabeen in ay kubadda dhisaan

Xilli City cadaadiskooda noqday mid mar jooga marna maqan ayay United la qabsadeen jawiga ciyaarta balse halis ma aysan abuurin.

Qeybihii dhamaadka , City waxaa ka muuqday xoogaa gaabis ah mana aheyn qaabkii ay ku bilaabeen balse waxa ay ahaayeen kuwo foojigan .

Soo laabashadii , durba City gool labaad ayay heleen waxaana saxiixay Sergio Aguero daqiiqaddii 48-aad ka dib kubad si wacan loo dhisay taasi oo sii xoojisay xamaasadda ciyaarta .

Ka dib goolkaas , taageerayaasha City cod dheer ayay ku qaylinayeen maadaama kooxdooda ay kubadda maamulayeen waxaana tababare Jose la gudboonaa in uu sameeyo badel xilli Lukaku-na uu keydka u fadhiyay .

Xilli ay heleyeen fursado ayay United waxa ay sameeyeen badel iyaga oo soo giliyay Lukaku oo loo badalay Lingrad daqiiqaddii 57-aad .

Durba Lukaku waxa lagu galay qalad gudaha goosha City ah waxaana loo dhigay United rigoore iyadoo uu gool u badalay Anthony Martial daqiiqaddii 58-aad .

Ka dib goolkaas ciyaarta xaraarad ayay yeelatay waxa ayna United heleen kalsooni ay mid labaad ku raadiyaan , waxa ayna City soo giliyeen Leroy Sane oo daqiiqaddii 62-aad loo badalay Mahrez .

City inkastoo gool lagu helay hadana jawaab wacan ayay bixinayeen waxa ayna ciyaarta aheyd mid laga filan karay goolal dheeraad .

Labada koox kubad deg degsiimo leh ayay ciyaarayeen 20-daqiiqo ugu dambeeyay waxa ayna United daqiiqaddii 73-aad sameeyay laba badal iyaga oo soo giliyay Juan Mata iyo Sanchez oo loo badalay Herrera iyo Rashford.

Man City waxa ay daqiiqaddii 76-aad soo giliyeen Ilkay Gundogan oo loo badalay Aguero waxa ayna City daqiiqadihii ugu dambeeyay bilaabeen cadaadis halka United iyana ahaayeen kuwo aan gacanta taagin balse u nugul gool sedexaad .

Dadaalkii City waxaa ku yimid gool 3-aad waxaana saxiixay Ilkay Gundogan daqiiqaddii 86-aad taasi oo rajadii ka toogatay kooxda Jose Mourinho ,  wax aayan guud ahaan ciyaartaan ku dhamaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Man City .

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

13 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

15 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

18 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

18 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

19 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

20 hours ago