Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Man City oo bar-baro 2-2 ah la dhaafi weysay Lyon.

Kooxda Man City ayaa xalay marti u aheyd kooxda reer France ee Lyon kulan ka tirsan koobka Champions League-ga.

Inkastoo City dadaal sameynayeen hadana difaac adag ayaa wajahayay waxaana loo diiday in kubadda maamulaan sida horay u dhici jirtay waxa ayna arimnahaas dhaceen biloowgii .

Daafaca City dhibaato badan ayay kala kulmayeen weerarka Lyon xilli City guud ahaan qeybtii hore soo bandhigtay ciyaar aan lagu qancin inkastoo dhamaadkii Mahraz ku sigtay gool.

Qeybtii danbe, City in ay kubadda fur furaan ayay xoogga saarayeen balse si sax ah uma aysan tageyn afka hore Lyon , waxaana taasi badalkeed lagu helay gool daqiiqaddii 55-aad waxaana saxiixay Maxwel Cornet.

Inkastoo City goolkaas lagu helay hadana kubadda iyaga ayaa maamulayay waxa ayna gaartay heer dhan %55 waa ayna heli kareen fursad ay gool ku heli kareen.

Dadaalkii City waxa ay ku keeneen gool waxaana u saxiixay Aymeric Laporte daqiiqaddii 63-aad ka dib kubad si cajiib ah ay u dhiseen xidigaha qadka dhexe.

Ka dib dhacdooyinkaas , City ayaa kubadda ku badneyd heer dhan %58 waxa ayna dadaal ku bixinayeen in gool labaad helaan halka kooxda Lyon ay raadinayeen sidii mar kale u heli lahaayeen fursad .

Mar waliba Man City ayaa kubadda ku xooagneyd balse Lyon waa ay foojignaayeen taasi oo keeneysay in City aysan gaarsiin kubadda goosha kooxda reer France halka Lyon ku halis gilinayeen City kubadahaha rogaalka celiska ah.

Ka dib kubad uu ka shaqeeyay Memphis Depay waxa ay Lyon ku heleen gool labaad waxaana daqiiqadii 81-aad u saxiixay mar kale Maxwel Cornet balse City goolkaas kama qaadin wax niyad jab ah waxa ayna durba keeneen goolka bar bar dhaca waxaana daqiiqaddii 83-aad u saxiixay Sergio Aguero waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay  bar bar dhac min 2-2 ah.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

11 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

14 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

16 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

17 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

18 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

18 hours ago