GUDAHA/wararka

Magaalada Muqdsiho oo maanta si rasmi ah loogu furay xafiiska cusub ee hawlgalka kaalmeynta kumeel gaarka ah ee QM ee Soomaaliya (UNTMIS)

Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah looga furay xafiiska cusub ee Howlgalka Kaalmaynta Ku Meel Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), iyadoo munaasabaddan ay ahayd mid muhiim ah oo lagu xusay is bedelka xafiiska hore ee Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM).

Munaasabadda furitaanka waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, wasiirro, wakiillada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyo ergada diblomaasiyadeed ee ku sugan Muqdisho.

Waxaa munaasabadda ka hadlay Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, iyo Warfaafinta, kuwaas oo si qoto dheer u sharraxay muhiimada isbedelka iyo horumarka dowladda Soomaaliya ka gaartay isku filnaanshaha iyo doorkeeda caalamiga ah.

Isbedelkan oo ka dhashay kala guurka xafiiska UNSOM una guuray UNTMIS, ayaa ah astaan cad oo muujinaysa in Soomaaliya ay gaartay horumar weyn oo dhinaca amniga, siyaasadda, iyo xiriirka caalamiga ah, isla markaana ay doorkeeda ka ciyaari doonto si toos ah arrimaha caalamiga ah ee gobolka.

Sidoo kale, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo La Taliyaha Sare ee Soomaaliya, Yuusuf Garaad ayaa  goobta ka jeediyay hadallo ku saabsan sida UNTMIS uu uga qeyb qaadan doono taageerada iyo horumarinta dadaallada Soomaaliya ee dhanka nabadda, amniga, iyo dib-u-heshiisiinta, waxaana si weyn loogu bogaadiyey dowladda Federaalka Soomaaliya doorkeeda hoggaamineed ee ka jira gobolka iyo caalamka.

Munaasabaddan oo ay sidoo kale ka soo qeyb galeen safiirro iyo wakiillo ka kala socday dalal kala duwan, ayaa muujinaysa kalsoonida iyo taageerada caalamiga ah ee ay Soomaaliya hesho, iyadoo la xusay in isbedelkan uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo horumarineed oo ka turjumaysa dib u dhiska iyo xoojinta hay’adaha dowladda iyo xiriirka Soomaaliya la leedahay Qaramada Midoobay.

Xafiiska UNTMIS ayaa noqon doona mid ka qeyb qaata howlgallada taageerada siyaasadda, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta hay’adaha amniga ee Soomaaliya, iyadoo la rajeynayo in uu sii wadi doono doorka muhiimka ah ee Qaramada Midoobay ay ka ciyaarto xasilinta iyo dhisidda awoodda dowladnimo ee Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

12 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

14 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

17 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

19 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

20 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

21 hours ago