Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfurtay dib-u-eegista Muddada Dhexe ee Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad (2020 – 2024), oo ay kasoo qeybgaleen Golaha Horumarinta Qaranka.
Golaha Horumarinta Qaranka oo ka kooban Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana hogaamiya Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirka oo daahfuray Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay Haykalka Dowladnimada Soomaaliya.
Qorshaha Horumarinta Qaranka ayaa saameyn weyn ku leh jiheynta iyo kala horraysiinta hindise-yaasha horumarineed ee mustaqbalka dhow iyo kuwa fog ee Soomaaliya, waxaana fulintiisa kormeera Golaha Horumarinta Qaranka.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…